Xoghayaha Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka
Xoghayaha Guud ee Ururka Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Nuur Macalimow ayaa kulamo miro dhal ah maanta la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.
Macalimow ayaa warbixin guud ka siiyay safiirka heerka ay mareyso saxaafadda Soomaaliya iyo doorashadii uu ku soo baxay dhawaan ee lagu doortay hoggaan cusub ee suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo magacii NUSOJ loo badalay FESOJ.
Intii uu kulanka socday waxaa kaloo laga wada hadlay sidii loo hormarin lahaa tayada Saxaafadda Soomaalida iyo waliba Wariyeyasha.
Safiir Donald Yamamoto ayaa u ballan qaaday Isutaga FESOJ inuu gacan ka geysanayo halganka kor loogu qaadayo xuriyatul qowlka iyo horumarinta saxaafadda.
Macalimow ayaa heer sare gaarsiiyay Saxafadda dalka oo meel hoose uu ka soo qaaday isagoo soo celiyay sharafta iyo ku kalsoonaanshaha wararka Soomaalida tabiso ee warbaahinta caalamka xigtaan, waxaana uu hadda u ballan qaaday ururka iyo warbaahinta dalka in horumaro waa weyn gaari doono maadama magacii NUSOJ caqabad badan uu ku ahaa loo badalay Federation of Somali Journalists FEOJ maadama NUSOJ shaqsiyaad gaar ah ay wasaqeeyeen.