Guddigii loo xil saaraxay dil wadareedkii Gaalkacayo oo War saxaafadeed laga soo saaray

Guddigii ka socday Dowladda Federaalka ah, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ee tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan safarkii ay ku tageen halkaas.

Guddigan ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen maamulka Magaalada Gaalkacyo waxaana la lafa guray sidii xal looga gaari lahaa falalka ka dhanka ah dadka ka soo jeeda Maamullada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Warbixinta ay soo saareen Guddiga kama muuqan waxa laga yeelayo dadkii lagu laayay Gaalkacyo iyo dhuusamareeb,waxaana xoogga lagu saaray in dadka koofurta ay sameystaan guddiyo la shaqeeya maamulka.

Waxaa kale oo ka mid ahaa in dadka Deggan Galmudug iyo Gaalkacyo aysan dadka walaalahood ah dusha u saarin falalka ay geystaan AL-shabaab.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.