Ciidamada dowladda oo kala dhexgalay Maleeshiyo beeleed isdagaalsan

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21aad ee howlgelinta oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Dhexe  Cabduqadir Maxamed (Gasaawe) oo maalmo kohor gaarey deegaanka dhagtuur ayaa xaliyey xiisad ka dhex jirtay beelo deegaanka wada degan taas oo salka ku heysay baraago deegaanka laga qoday oo mid ka mid ah beelaha halkaa dagan ay ka biyo diiday.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa  masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Mudug Axmed Maxamed Shire (qoodar) iyo saraakiil kale, iyaga oo ku guuleystay xalinta labadaasi beelood.

Saraakiisha taliska iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Mudug ayaa labada dhinac kulamo ay la qaateen kadib ku guuleestay in la aaso duugo dhamaan baraagihii lagu muransanaa waxaana dhinacyadu isla garteen in arinta deegaanka loo saaro guddi ka kooban 14 xubnood oo laamaha amniga kala shaqeeya xaalada amni ee deegaanka iyo xalinta tabashooyinka yar yar

Ugu dambeyn guddiga howshan ku jiray ayaa sameeyey xirmo dhuleed ka caagan deegaameysiga gaar ahaan in laga qodo baraago si looga baaqsado isku dhacyo halkaa ka yimaada.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.