Madaxweynaha Rwanda oo ka hadlay safarkii baaqday ee madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa kashifay safar baaqday saacadihii ugu danbeeyay ee lagu waday inuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku taho dalka Rwanda.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi u raaci lahaa dalka Rwanda ayaa baaqday daqiiqadii ugu danbeeyay markii la sheegay in diyaaradii qaadi lahayd aysan helin ogolaasho ay ku dul marto dalka Kenya, taasoo qeyb ka ah cadaadiska diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya ku heyso madaxda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa boggiisa twitter-ka ee gaarka ah ugu hambalyeeyay maalinta xorriyadda dalkaasi, waxaana waxaana jawaab uu farriintaasi ka bixiyey madaxweyne Paul Kagame uu ku yiri:

“Mahadsanid Madaxweyne Madaxweyne Farmaajo erayada hambalyada ah.. waxaan ognahay inay ahayd in aad nagala soo qeybgasho Munaasabadan, mase dhicin cilad farsamo oo timid daqiiqadihii ugu dambeeyay dartood..”

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin baaqashada safarka madaxweyne Farmaajo ee dalak Rwanda.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.