Rabshado iyo dagaal ka socda magaalada Ceergaabo

Warar ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda Col. Caarre uu haatan ka socdo degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 km dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan jabhadda Caarre oo ka yimid dhinaca magaalada Qardho kuna sii jeeday buuraleyda Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Ceerigaabo.

Warar laga helayo degaanka ayaa sheegaya in dagaalku yahey mid culus uuna u dhexeeyo  ciidanka Somaliland iyo  jabhadda Caarre oo diidan in ciidanka Somaliland ay dhufays ka helaan buuraleyda dhanka waqooyi ee magaalada Ceerigaabo halkaasi oo Col. Caarre ciidamo ka amar qaata ay joogaan

Dadka ku nool tuulooyinka Dhoob iyo Biya-guduud ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan hubka culus oo ay isu adeegsanayaan labada dhinac inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda nawaaxiga degaanka Dhoob.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.