Burcad dharka ciidanka ku dhaci jirtay shacabka oo gacanta lagu dhigay

Maamulka Gobolka Banaadir iyo midka Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay maanta Xeer ilaalinta dalka ku wareejiyeen lix Nin oo lagu soo eedeeyay in ay ahaayeen Burcad dadka ku dhici jirtay Degmada Dharkenley.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Raggaasi loo gudbinayo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Waxaa uu Yariisow intaas ku daray in uu billowday howlgal ka dhan ah Burcadda dadka ku dhaca Magaalada Muqdisho.

C/Raxmaan Cumar ayaa sheegay in Odayaasha Saldhigyada uga daba taga Dhallinyarada loo qabto Burcadnimada loo aqoonsan doono Burcad kalkaalayaal sida uu hadalka u dhigay isaga oo ka digay in Odayaasha ka dabatagaan wiilashaas.

Sidoo kale Waxaa saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkenley lagu soo bandhigay Hub iyo Rasaastii ay u adeegsanayeen Dadka degmadaasi ku dhaqan.

Talaadadii ayey ahayd markii Labo Malleeshiyo Beeleed ay ku dagaallameen degmada Dharkenley iyaga oo isku heystay Guri ku yaalla degmada oo la dhisayay,waxaana la kala saftay Ciidamada Booliska iyo Milatariga.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.