Duqa Muqdisho oo sheegay inuu sharciga la tiigsanayo Xildhibaano uu ku tilmaamay Qaswadayaal

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa ‘Qaswadayaal” ku tilmaamay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho.

Yariisow ayaa ku eedeeyay xildhibaano uu ka mid yahay C/qaadir Cosoble Cali inay magac qabiil ku hadlayaan, kana soo horjeedaan horumarka uu sheegay inuu ka jiro caasimada Muqdisho , wuxuuna si gaara weerar afka ah ku  qaaday xildhibaanka isagoo intaa ku daray inuu sharciga la tiigsanayo

Yariisow oo marar badan weerarro afka ah ku qaadya xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa si gaar ah  kaga carooday khudbada uu jeediyay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in Dadka Caasimada aysan u baahneyn guddoomiye la soo magacaabo, balse ay muhiim ay tahay inay soo doortaan ciddii ay rabaan, taasoo ka careysiisay Yariisow.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.