Villa Soomaaliya oo xil ku abaalmarisay shaqsi ku caan baxay Aflagaadada siyasiyiinta ka aragtida duwan DF

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhowaan xil u magacowday  nin soo saare ka ahaa muquaallo baraha bulshada lagu baahiyey oo si weyn loogu weerarray, looguna aflagaadeeyay siyaasiyiinta ka horjeeda siyaasadda madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Agaasime Kuxigeenka Cusub ee Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga soo muuqday shalay Villa Somalia, isagoo akhrinaya War Saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya oo la xiriira warqdaaha aqoonsi ee madaxweyne Farmaajo uu ka gudoomay Safiirka cusub ee Ruushka u soo magacawday.

Ninkan oo ka howlgeli jiray Diiwaan Films ayaa diyaariyey muuqaallo lagu taageerayo Madaxtooyada oo si anshaxa ka baxsan loogu weerarrayo Siyaasiyiinta mucaaradka, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in muuqaalladaasi ay maalgelisay Villa Somalia oo markii dambe soo-saarihii ku abaal marisay xilka agaasime ku xigeenka warfaafinta Madaxtooyada.

Wuxuu xilka kala wareegay agaasime ku xigeenkii hore ee warfafinta madaxtooyada C/fataax Awaare kadib markii la sheegay inuu xiriir la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo sawir uu kula galay magaalada Nairobi.

Madaxtooyada Somalia ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxuu soo maray shan agaasime, iyadoo agaasime waaxyeedyada iyo howlwadeenada kale dhowr jeer la kala bedelay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.