Xoghayaha Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee warbaahinta

Xoghayaha Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Nuur Macalimow ayaa magaalada London kaga qeyb galaya shirka caalamiga ah ee warbaahinta ee looga hadlayo xuriyadda hadalka iyo tan wax tabinta isagoo matalaya wariyeyasha Soomaaliyeed.

Waxaa shirka si wadajir ah u qabanaya Boqortooyada UK iyo dowladda Canada, waxaana  ka soo qeyb galay madax dowladeed, suxufiyiin iyo ururo caalami ah.

Madaxdowladeed ,ururo caalami ah iyo suxufiyiin ka kala socda in ka badan 150 dal ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ujeedadiisu tahay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ama go’aan wadajir ah looga qaadan lahaa difaaca xorriyadda warbaahinta iyo tan hadalka.

Kulanka saaka ayaa ahaa mid aad u xiisa badan waxana fududeynay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee UK Jeremy Hunt ,waxana kala qeyb galay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Canada haweeneyda lagu magacaabo Chrystia Freeland ,Agaasimaha Guud ee BBC Tony Hall iyo Audrey Azoulay oo ah Agaasimaha Guud ee UNESCO.

Soomaaliya waxa uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda Ambassor Axmed Cawad .

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxaa ku matalaya Maxamed Ibraahim Nuur Macalimow iyadoo natiijo wax ku ool ah laga filanyo inuu ka soo baxo shirkaasi.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.