Ciidamo katirsan dowladda oo Qarax miino lagu dilay maanta

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya qarax miino lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Ciidamada ayaa waxaa uu qaraxa ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoos waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaasi oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca dagaalka oo ay saarnaayeen Ciidamada,waxaana ku geeriyooday 5 Askari oo gaariga la socday,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhaawac jiro.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.