Madaxweynaha Hirshabelle oo shaqada ka eryay wasiirkiisii Maaliyadda mid cusubna magacowday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkiisii Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirhabeelle ayaa waxaa Wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Hirshabeelle loogu magacaabay C/Shakuur Abuukar Xasan.

Madaxweyne Waare ayaa xilka qaadista Maxamed u cuskaday sida uu sheegay in Hirshabeelle u baahantahay isbeddel dhinaca Maaliyadda ah.

No photo description available.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.