Deg Deg: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
Jugta qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho kaa oo uuradiisa laga arko karay xaafado fog fog.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadada aada dhanka Garoonka Gaar ahaan bar-kontarool ay ciidamada ku baaraan gawaarida galeysa Garoonka oo u dhaw Isgoyska KM4.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaase la maqlayaa dhawaqa gadiidka gurmadka deg dega oo halkaa gaaraya.