Mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda Federalka ku eedeeyay fashil dhanka amniga ah

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku fashilmeen sugida Aminga Caasimadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in Amnigii Caasimadda Muqdisho uu Faraha ka baxay, ayna shaqeyn waayeen qorsheyaasha Dowladda hadda jirta ee kaliya Magaalada ka dhigay Xabsi kor ka furan, nolosha Shacabkana ciriiriga gelisay, balse wax ka ka qaban weeyday sugidda Amniga Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Muungaab ayaa intaa ku daray “Mana muuqato wax Horumar ah oo Hay’adaha Amniga Xukuumadda ka gaareen Sugidda Amniga, Sidoo kale Ma aragno isla xisaabtan dhab ah oo ku wajahan Hay’adaha Dowladda dhexdooda, taas bedelkeedana waxaa Darajo iyo Abaal marin lagu bixinayaa Fashilka lagu dhex jiro”ayuu yiri Gen. Muungaab.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho,

Waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay ineysan wali la iman qorshe cad oo lagu sugayo amaanka Caasimada, isagoo sugida amniga ku sheegay ineysan ku imaneynin Dhagxaan lagu jaro wadooyinka Caasimada.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay ineysan qaadan talooyinka amniga lagu horumarin karo ee siiyaan laamaha Nabad gelyada, balse taa bedelkeed ay u aragto iney iyagu yihiin dad mucaarad ah oo kaliya soo bandhigga dhaliilaha dowladda.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sidoo kale habacsanaanta amni ee ka jirta Muqdisho ku sifeeyay iney qeyb ka tahay qorshihii lagu baabi’iyay NISA oo uu tilmaamay iney eheyd Shabakadii ka hortagi jirtay weerarada Shabaab.

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, ayaa sidoo kale su’aal iska weydiiyay sida ay ku timid in la fashiliyo qarax dhacay oo sababay dhimashada 17 qof, wuxuuna Saraakiisha amaanka talo ahaan u siiyay iney isu xil saaraan u shaqeynta Shacabka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *