Dowladda Burundi oo qiratay in Askar looga dilay duleedka Muqdisho

Ugu yaraan lix askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Amisom, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal sare

“Unugyo ka tirsan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa weeraray ciidaamda Burundi ee ku sugan degmada Balcad, oo 30 km u jirta Muqdisho” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Burundi, Colonel Floribert Biyereke.

“Lix askari ayaa isla goobta lagu dilay. Saddex waxaa gaaray dhaawacyo halis ah, laba askarina waa la la’yahay.” Ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sabtidii sheegatay in dagaal-yahannadeeda ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo Burundi ah oo dhaq dhaqaaqyo ka sameynayey degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu gubay ugu yaraan saddex gaari ah, oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo baaldoozarro, halka sidoo kalena ay si dirqi ah ku baxsadeen gaadiid kale oo dhowr ah.

Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegatay in weerarka ay ku dishay 10 askari.

Burundi ah ayaa ah dalka labaad ee ugu ciidamada badan Amisom, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,432 askari, halka Uganda oo ugu badan ay ka joogaan in ka badan 6,000 oo askari.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia        

Somalitopnews@Gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *