Xildhibaan Ciyaar Jecel: Qaraxyada cidna looma ciqaabo Dalacsiin oo kaliya ayaan Arkaa

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa uu sheegay inay soo noq noqdeen qaraxyada ka dhacaaya Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Somaliya looga baahan yahay inay dad u ciqaabto qaraxyada laga hortaggi waayo, ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

“Maadaama ay qaraxyadu soo noq noqdeen cid loo ciqaabo maanan arag, arrintan iyada ah waa in ay cid masuuliyadeeda fuushaa, ciddee rabto ha noqoto, waa Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Golaha Wasiirada iyo laamaha ammaanka.” Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.

Waxaa uu tilmaamay in uu arkaayay dalacsiin ay Dowladda Somaliya u samaysay Saraakiisha Ciidamada, sidaasi si lamid ahna loo baahan yahay in dad loo ciqaabo kolka ay weerarada dhacaan.

“Marka dalacsiin iyo ciqaab waa inay jirtaa. Dalacsiin badan baan arkeynay illaa 1dii July, waxaan dhacaayana waa in dad loo ciqaabaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac.

Xildhibaan Ciyaar Jecel oo tix ka tiriyay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay siyaabooyin kala duwan u arkayn.

“Lagama sheekeen karo dareenka shacabka aad bay uga turjumeen, qaar baa si kale u arkay, iyagoo leh Cabdi Shire, Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda ayuu ku kacsan yahay.” Ayuu yiri Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia        

Somalitopnews@Gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *