Imaaradka” Codka la duubay wuxuu cadeyn u yahay xiriirka Qatar kala dhaxeeya Argagixsada”

Wasiiro dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa waxa uu sheegay in uu cadeyn u yahay xiriirka Qatar ay la leedahay Argagixsada.

Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray  “ halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “ u ololeynta argagixisnimo ee ka dhanka ah Imaaradka waa mid laga shaleyn doono” wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka Afarta dal u jareen  Qatar uu ahaa mid loo baahnaa.

Horaantii Bishan wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka  ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya Qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil loogu geestay isla magaalada madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay iney ka warqabaan dilka iyo Qaraxa oo islamarkana ay ka dambeeyaan xulafadooda si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed, waxaana Qaraxaasi ku dhaawacmay 8 qof halka toogasho lagu dilay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *