Salaadda Janaasada oo lagu tukaday meydka Duqii Magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaadda Janaasadda lagula tukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Gudoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Magaalada Muqdisho.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo boqolaal ruux oo kale.

Daqiiqadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in meydka marxuum Yariisow lagu aaso Khabuuraha General Kaahiye, oo dadka qaarkii ay u garanayaan Khabuuraha School Polizio.

Allaha u naxariistee Gudoomiye Yariisow ayaa Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24-kii bishan ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

www.somalitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.