Laamaha amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka Muqdisho

Ciidammada amniga dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Howlgallada ayaa inta uu socday ciidammada waxaa ay baaritaan ku sameeyeen qaybo ka mid ah deegaanka, waxaana gacanta lagu dhigay tiro dhallinyaro ah oo looga shakiyay falal amni darro.

Ciidammada ayaa dadka la soo qab qabtay isugu geeyay goob barxad ah,waxaana markii dambe kala baxeen shaqsiyaad bartilmaameed ahaa, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Howlgalka oo ay ciidammada fuliyeen waqti dhexe oo xalay ah ayaa lagu sheegay inuu daba socday weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Arbacow oo u dhow Ceelasha Biyaha.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.