‘Al shabaab waxey doonayaan iney noqdaan garab siyaasadeed oo awood leh’

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay doonayaan in ay noqdaan garab siyaasadeed oo awood leh, kadib wareysi uu siiyey wargeyska Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Francisco Madeira ayaa sheegay in iyaga oo adeegsanaya Islaamka oo ah Diin wanaagsan ay qorsheynayaan tallaabo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah.” ayuu yiri  Ambassador Madeira.

Wuxuu intaasi ku daray in si foolka fool ah aysan Al-Shabaab ula dagaalami karin AMISOM, balse ay adeegsadaan kaliya taatikada dagaalka ee Jabhadeynta.

Dhinaca kale ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, ahna madaxa guud ee  howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay doorka ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dagaalka adag ee lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Madeira ayaa xusay in ciidanka Kenya ay fureen waddooyin in muddo ah u go’doonsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka gobollada Jubbooyinka

Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamadaasi, sida ay uga hortagaan weerarada ay geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn waxa uu uga mahadceliyey dowladda Kenya sida ay uga qeyb qaadaneyso dadaallada la doonayo lagu nabadeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.