Cabdiraxman Cirro”  Inaad saamo jiidiyo, sanqadh-tirasho kala daa”

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay sawir ay wada galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiro katirsan Xukuumadda Federalka  Soomaaliya ayaa si adag u naqdiyay.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukarama waxaana is arkay Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyadda SoomaaliyaCabdiraxman Bayle iyo kan arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmad Cawad.

Waxaa sidoo kale sawirka ku jira saraakiil ka kala socota labada dhinac Dowladda Federalka iyo Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray” ”  Inaad saamo jiidiyo, sanqadh-tirasho kala daa” isagoo la hadlay Muuse Biixi waxaana muuqata in kulankaas uu ka soo horjeedo.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.