Maxaa ka soda magaalaga Kismayo, Akhriso wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka socda Dhaarinta Xildhibaanada ay Xalay shaaciyeen Gudiga doorashooyinka Maamulka Jubbaland.

Hoolka Doorashada ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socota munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay Xalay shaaciyeen Gudiga Doorashooyinka Jubbaland.

Gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, Xildhibaanada Cusub, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Kismaayo Qaarkood, Odayaasha dhaqanka Iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa munaasabada ka qayb galaya.

Mudanayaashaan oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa waxaa loo dhaarinayaa Xildhibaanadda Afarta Sano ee soo socota ee Maamulka Jubbaland,waxaana dhaarinay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ee uu Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland ee Waqtisu Dhamaaday Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Xubno ka tirsan Masharixiinta isbadal Doonka ah ee ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Mustaqbal in ay dhankooda doonayaan in isla maanta ay dhaariyaan Xildhibaanada ay saaka soo saareen liiskood.

Masuuliyiintaan ayaa sheegay in xilbaadana ay soo saareen ay yihiin ku wasax ah waxa ayna Saraakiisha amaanku Jubbaland ugu baaqeen in aysan ku lugyeelan waxa ay ugu yeereen Awood sheegasha Axmed Madoobe.

Amaanka Magaaladda Kismaayo aad loo adkeeyay Waxaana Ciidanka Maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Wadooyinka,Sidoo kale Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan qayb badan oo ka mida Magaaladda Kismaayo.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka midna wali kama hadlin Xaaladda Magaaladda Kismaayo oo maanta ah mid Cakiran ayna ka socdaan Dhaarinta Xildhibaano kala duwan iyo Shirar iska soo horjeeda.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.