Ciidamada dowladda oo howlgallo kawada tuulooyin hoos taga Awdhiigle

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaas, halkaas oo dhawaan ay  ciidamadu kala wareegeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan tuuloyinka kale ee hoostaga Awdheegle,isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwa aan joogsan doonin.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno Awdheegle ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladddu ay wadaan dhaq dhaqaaq,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadu mararka qaar ay rasaas farabadan ridayaan.

Degmada Awdheegle ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka dhinaca galbeeed ka xiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana tira ka dhowr jeer isku bed bedalay gacan ku heynteeda Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.