Ciidanka Xoogga Dalka oo difaacday gacan ku heynta Awdhiigle

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si adag isaga caabiyay maleeshiyada Ururka Al Shabaab oo maanta weerar saf ballaaran ku soo qaaday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu soo weeraray saldhigga ay Ciicdanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Degmada Awdheegle, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo Shabaabku ku soo qaadeen saldhigga.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan Degmada Awdheegle, iyadoo muddo saacado ah uu goobtaasi ka socday.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu dambeen dib u caabiyay maleeshiyada Al Shabaab, iyagoo dib ugu celiyay deegaanada ay weerarka ka soo qaadeen.

General Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ku fashiliyeen weerarkaasi, isla-markaana ay dib uga sifeeyeen Degmada Awdheegle.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dagaalkaasi lagu laayay maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena ay meydad fara-badan uga carareen Degmada Awdheegle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka lagu qabtay maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, hadana ay ku jiraan gacanta Ciidanka Xoogga Dalka.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay saddex ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wariye Gacal Cabdulle Gacal, oo ahaa sawir-qaade ka tirsan Idaacadda afka Ciidanka Xoogga Dalka ku hadasha.

Xaaladda Degmada Awdheegle ayaa galabta degan, inkastoo ay degmadaasi isaga barakaceen qaar ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.