Dowladda Federalka oo qorsheyneysa iney xayiraad dhan walba ah saarto Axamd Madoobe

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wada qorshe xayiraad ay ku saareyso hogaamiyaha maamulka Jubbland Axmad Madoobe sida ila xog ogaal ah ay u sheegeen Somalitopnews.com

Axmad Madoobe ayaa xayiraad looga soo rogi doonaa dhinacyada safarka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda, iyadoo loo cuskanayo inuu yahay sida hogaamiye Jabhad ku dhexjira.

Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka ayaa baaqyo iska daba joog ah ka soo saartay doorashada Jubbaland iyo in Axmad Madoobe uu wax ka badalo hanaanka uu doorashada u wado.

Waxaana soo jeedintan laheyd dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo tuhun geliyay Axmad Madoobe oo ay kaga cabsi qabaan in Al shabaab uu xiriir kala dhaxeeyo.

Hay’ado baaris ku sameeyay Axmad Madoobe ayaa lagu ogaaday inuu xiriir dhaw la leeyahay Al shabaab, waxaana shakigan uu soo ifbaxay kadib weerarkii Hotel Kismaayo oo inkabadan 15 qof lagu dilay, sidoo kale Axmad Madoobe dagaal toos ah lama galo Al shabaab, deegaano badan ayeyna ka heystaan Jubbaland.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.