Warsheekh oo laga furay tababar loo qabanayo Ergada soo xuleysa Golaha deegaanka

Wasiirka arimaha gudaha maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Warsheekh tababar loo qabanayo ergada soo xuleysa Golaha Deegaanka degmada Warsheekh ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabadii furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo maamulka degmada Warsheekh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlayay ergooyinkan oo laga soo kala xulay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Warsheekh ayaa kula dardaarmay inay tababara kadib soo xulaan shaqsiyaad horumar gaarsiin kara degmada ayna si gaar ah u dhowraan qoondada haweenka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada guddoomiyaha gobolka Sh.dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo guddoomiyaha degmada Warsheekh Axmed Xuseen Shiidka.

Tababarka kadib ayaa ergadan oo isugu jira rag iyo dumar oo tiradoodu gaareyso 105 xubnood waxa ay soo xuli doonaan illaa 21 xubnood oo noqon doona xildhibaanada golaha deegaanka degmada Warsheekh kuwaasoo dooran doona guddoomiyaha degmada Warsheekh.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa wada dadaalo lagu soo dhisayo golayaal deegaan kuwaasoo markii ugu horeysay laga hirgelinayo degmooyinka hoos yimaada Maamulka Hirshabelle.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.