Kooxda macawiisleyda oo dagaal ku dishay saraakiil iyo Askar Shabaab katirsan

Kooxda Macaawisley ee la dagaallanta Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ay dagaal ku qaadeen Al-shabab ku sugnaa degaanka lagu magacaabo Luuqa Jeelow ee Gobolka Hiiraan ka titsan.

Deegaankan oo ku dhawaad 20km dhinaca koofureed kaga beegan Beledweyne ayey sheegeen in ay xalay weerareen islamarkaana halkaas ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Kooxda Macaawisley oo lagu magacaabo Maxamed Cali Istakiin ayaa sheegay in dhinacooda uu hal qof ka dhintay mid kalena ka dhaawacmay.

Sababta ay weerarka ugu qaadeen degaanka Luuqa Jeeloow ayuu sheegay in cabasho ay ka soo gaartay dadka degaanka islamarkaana xalay habeennimadii ay weerareen.

Waxaa kale oo uu sheegay in Gaari Homy ah oo ay Al-shabab adeegsan jireen uguna xirnaayeen codbaahiya ku qabsadeen dagaalkii xalay ka dhacay luuqa Jeelow.

Istakiin ayaa sheegay in 70% ay rasaasta ka helaan Dowladda Itoobiya isaga oo sheegay in dhinaca hubkana ay dowladda Federaalka ah ka taageerto.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.