Maxaa u sabab ah amni xumdi aan dhamaadka laheyn ee magaalada Muqdisho?

Waxaad moodaa in marka laga hadlaayo dagaalada sokeeya ee Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya uu ka duwan yahay kuwo ka dhacey Afrikada inteeda kale oo horey uga sii gudbeen, laakiin Soomaaliya weli fursadaas ma ay helin sua’asha meesha taal ayaa ah , maxaa u sabab ah amni xumada aan dhamaadka laheyn. Maaha mid lagusoo koobi karo maqaal yar qeexida arimaha ku gudban geedi socodka nabada Soomaaliya  waxaase la dhihi karaa cadaalad daro jirta awgeed maxaa yeeley Cadaaladu waa furaha nabada .

Waxaa caadi ka noqotey in Magaalo madaxdii Dalka uu saameyn gaar ah ku yeeshey amni darada waxaana eeda dusha ka saaran tahay Dowlada maanta ka arimasa Dalka oo waajibkeeda koowaad yahay ilaalinta nabadgalyada.

Maamulka magaalada u magaaban kuma  imaan doorasho ama sharci waa mid nin jecleys ku yimid mar hadii maqaam u gaar ah lahayn  Gobalka .

Magaaladu waa ay kala xiran tahay xitaa waxaa adag in meelaha qaar lagu maro lugta shacabka ku nool waa kuwa dhibanayaal ah misana eeda dhibtaas qeyb bey ka yihiin

Isku duubni iyo wada shaqeyn bey rabtaa in la helo xasilooni waase goormaa ? waa markii si sharci ah uu ku yimaado maamulka Gobalka iyo Gudoomiyaasha Degmooyin ilaa heer waax.

Waxaa looga baahan yahay bulshada qeybahaeeda kala duwan ha ahaado siyaasiyiinta,xilibaanada,cuqaasha iyo ururada bulshada Rayidka ah in si toos ah u wajaheen sida ugu fudud oo looga mira dhalin karo xaalada amni ee Muqdisho looma baahna shirar iska soo horjeeda ama kuwo ku saleysan laab lakac iyo dib u heshiisiin boojo ah waxaa loo baahanyahay dal jaceel iyo wadaniyadnimo.

Waxaad moodaa in mujtamaca loo nisbeeyo Maqaamka magaaladan in aysan mabda,a ku mideysneyn waxaana asal u ah cadaalad daro dhexdooda ay sameynaayan, musuqa oo iska ah wax caadi ka ah agtooda laakiin waxaa hubinta ah hadii ay ka doodaan oo ay mideeyaan danta guud la isaga tanasulo iney imaan doonto yididiilada guud hadaba waxaan qoraalkeygan gaaban kusoo gaabinaya Muqdisho amniga yaa diidan waa cadaalad daro iyo dano is diidan waxa jirta maahmaah oraneysa (Sac qofkii lahaa seynta uga fadhiyo ma kacdo).

Tafatiraha Somalitopnews

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.