Shacabka reer Awdhiigle oo si tartib tartiib ah ugu soo laabanaya deegaankooda

Wararka ka imaanaya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in dadka ku dhaqan degmadaasi ay bilaabeen inay guryahooda isaga cararaan.

Degmada Awdheegle ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab. Dagaalkan ayaa yimid markii ay Shabaabku dhawr jiho ka soo weerareen degmadaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maalintii shalay ay tiro qoysas ahi isaga barakaceen Degmada Awdheegle, wax yar uun ka dib markii uu dagaalku soo geba-gaboobay.

Toboneeyo ka mid ah qoysaska ka cararay Awdheegle ayaa maanta soo gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Arbacadii sheegay inay Shabaabka ka difaacan doonaan Degmada Awdheegle, weerar kasta oo kaga yimaada.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.