Ujeedka socdaalka Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Kismaayo ku wajahan

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ku wajahan wefdi ka socda beesha Caalamka kuwas oo kulamo la soo yeelan doona madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia James Swan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa saacadaha soo socda in ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Ujeedka safarkooda ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii Axmad Madoobe loogu qancin lahaa in doorashada laga qeyb galiyo musharaxiinta mucaaradka iyo inuu isaga ka tanaasulo maadama lagu eedeeyay xadgudbyo waa weyn sida inuu soo dilay boqolaal shacab Soomaaliyeed ah.

Waxaa fashil ku soo dhamaaday kulamo saacadihii la soo dhaafay dhex maray saraakiil ka kala socotay sirdoonka Itoobiya Ururu gobaleedka IGAD iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Dowladda Somalia ayaa sheedda ka eegeysa arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyada oo qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia lagu sheegay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo baal marsan shuruucda doorashooyinka kana soo baxda doorashada Kismaayo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.