Xildhibaano katirsan Aqalka Sare oo faragelin ku haya doorashada Jubbaland

Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ah musharraxiinta sanadkan ku loolamaya doorashada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha maamulkaasi, gaar ahaan doorashada, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaallo xeebeedla Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Seeraar ayaa sheegay in Senataro ka tirsan aqalka sare ay doonayaan in dowladda federaalkaSoomaaliya ay kala dhex dagaalamaan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Musharrax Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in Senatoradaasi ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Wuxuu tilmaamay in ay farogelin ku hayaan arrimaha doorasooyinka Jubbaland, islamarkaana ay gabeen shaqooyinkii loo igmaday.

Dhinaca kale Seeraar oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka,isaga oo xusay in inta badan deegaanada Jubbaland ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada amniga in ay xoojiyaan nabad gelyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.