Wararkii ugu dambeeyay iska hor imaad caawa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo Boolis iyo Nabad Sugid ah, kaasoo baqdin ku beeray dadkii Shacabka ahaa.

Dagaalka waxa uu si rasmi ah uga dhacay hoolka Shirkole oo ah goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug, iyadoo goobtaasi ay tahay meel amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ka carooday in shaqadoodii laga hor istaago Haween shaqooyin hoose ka qaban jiray xarunta ay weerarka qaadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado kooban socday.

Lama oga inuu jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka, maadaama goobta ay isku gedaameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu-Suna, iyadoo dadka magaalada Caawa ay hadal hayaan dagaalkii Caasimadda Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo xubno dowladda ah oo ay wehliyaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta ayaa la soo sheegayaa iney durba ku bexeen dirirta, kuwaasoo isku dayaya sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisada gacan ka hadalka isku rogtay markii danbe.

Maanta oo la fillaayay in shirweynaha Dib u heshiisiinta ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ayuu markii labaad dib u dhac ku yimid, sababo ku aadan Ergooyinka oo aan soo wada gaarin Dhuusamareeb.

www.somlitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.