Xoogga dalka iyo AMISOM oo howlgal ka dhan ah Al shabaab kaga dhawaaqay gobalka Hiiraan

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Amisom oo ay wehlinayaan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxay kulan ku yeesheen Magaalada Baledweyne, waxayna kaga dhawaaqeen duulaan ka dhan ah deegaanada uu ka arrimiyo Ururka Al Shabaab.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlaayay xoojinta amniga Gobolka Hiiraan iyo sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada uu kaga sugan yahay Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Muxumed Caraale oo kulankaasi goobjoog ka ahaa ayaa ku celiyay inay diyaar u yihiin in Shabaab laga sifeeyo Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Amisom iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa si wadajira ugu dhaqaaqay in ay dhawaan qaadi doonaan guluf militari oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gobolada Koonfurta Somaliya ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.