Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo sheegtay inay jiraan masuuliyiin Shabaab ku haya Guryahooda

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inay jiraan Masuuliyiin Dowladda ka tirsan, oo guryahooda ku haya xubno Shabaabka ka tirsan.

General Liibaan Cali Yarow oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay ku badan yihiin Shabaabka isa soo dhiibaya, kuwaa oo qaarkood la marsiiyo wadadii sharciga ahayd ee loogu talagalay.

Gudoomiyaha oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan masuuliyiin guryahooda ku haya maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay isa soo dhiibay, balse aan la marsiinin sharciga.

Wuxuu sheegay Shabaabka isa soo dhiibay ee guryaha lagu hayo, aan la diiwaangelin, si aan sharci ahayna ay masuuliyiinta guryahooda ugu hayaan.

General Liibaan Cali Yarow ayaa xusay in loo baahan yahay in xubnahaasi la soo diiwaan-geliyo, ciddii amarkaasi dhegaha ka fureysatana ay la mid tahay Al Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo arrintan ay ka dhawaajiyan masuuliyiinta sar sare ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

www.Somalitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.