Cumar Finish oo laamaha amniga ka dalbaday iney furan wadooyinka xiran

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdsho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed ka dalbaday in ay furan Wadooyinka Xiran ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish oo kaqayb galayay munaasabadda uu xilka kula wareegayay Taliyha cusub ee Ciidanka Booliska soomaliyeed  ayaa waxa u kacodsaday Taliska Ciidanka booliska in ay furaan wadooyinka muqdisho ee xeran.

Cumar Finish ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay dhib badan ku qabaan wadooyinka Xiran isaga taliska ka dalbaday in ay si deg deg ah u furaan.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir  ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sidokale waxa uu shacabka kadalbaday in ay lashaqeeyaan ciidamda amaanka si looga horta waxa uu ugu yeeray nabad diidka.

Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo maanta Xilka la wareegay Cabdi Xasan Xijaar  oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in isiga iyo Gudoomiyaha Cusub ay qaadi doonaan Dhagxaan ku xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho

Habeen kahor ayay aheed markii Gudoomiyaha Cusub uu Xil la wareegay waxa uuna sheegay in uu si deg deg ah u firidoono wadooyinka Xiran ee Magaalada Muqdisho.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.