Booliska Soomaaliya oo sheegay in dambiyo waa weyn lagu helay wasiirka Jubbaland ee la xiray

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka hadashay Xariga shalay Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Taliyaha Ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in Wasiir janan uu yahay eedaysane isla markaana Boolisku baaritaan ku haayo kiisa loo haysto Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashiid Janan.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska” ayay tiri  Generaal Zakiyo Xuseen Axmed.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.