Askar Kenyan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Mandheera

Askar ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ayaa ku dhintay weerar ka dhacay degaanka lagu magacaabo CeelRaam ee duleedka Mandheera.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka shalay dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in ay dileen 9 ka mid ah Ciidanka Kenya.

Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheegeen in afar ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Kenya ay ku gubteen weerarkaas.

Dhinaca dowladda Kenya wali kama hadlin weerarka Ceelraam iyada oo Ciidamada Kenya ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Sohdinta labada dal.

Al-shabab ayaa kordhiyay weerarrada dhinaca Miinooyinka iyo kuwa jid galka ah ee ay la beegsadaan Ciidamada dowladda Federaalka ah iyo kuwa AMISOM.

Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa noqday halka ugu badan ee ay weerarrada dhinaca Miinooyinka ah ka geystaan Al-shabaab.

Todoabadkan wax ka badan toban Qarax Miino ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Mahaddaay iyo Balcad.

www.Somalitopnews.com

Mogadisu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.