Dowladda Soomaaliya oo hakisay bixinta qabashada codsiyada baasaboorka cusub

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney hakisay qabashada codsiyada baasaboorka cusub ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u doonan jireen xafiisyada dowladda.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo caawa qoraal soo dhigtay bareheeda Bulshada waxa ay ku sheegtay iney talaabadan qaaday, waxeyna sababta ku micneysay arrimo la xiriira dhinaca farsamada, wallow aysan bixin faah faahin intaasi ka buuran.

“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri qoraalka laanta Socdaalka.

Joojinta dalbashada Baasaboorka Soomaaliga ayaa si isku mid ah uga dhaqan galaya guud ahaan dalka, taasoo saameyn muuqata ku yeelaneysa dadkii arrimaha Caafimaadka u aadi jiray dalalka Caalamka, kuwa Waxbarashada iyo dadka kale ee howlaha ganacsiga uga xiran yihiin Baasaboor qaadashada.

7-dii bishan, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo kormeeray Xarunta hay’adda dembi baarista CID-da qeybteda faraha lagu qaado ayaa amray in la hakiyo howlaha ay qeybtaasi u qabato bulshada.

Lama oga in talaabadan cusub ee laanta Socdaalka iyo Jisniyadaha ay xiriir la leedahay howlaha is-daba jooga ah ee dowladda ku dooneyso iney dib u habeynta ugu sameyso howlaha ay bulshada u hayaan, tiiyoo ay sii dheer tahay qorshe looga hortagayo arrimaha Musuq maasuqa oo socda.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.