Axmed Madoobe: “Dowladda haddaanay isbeddelin, jawaab adag ayaan bixineynaa”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta farriin hanjabaad ah u diray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay kulankii Golahiisa wasiirrada kaddib ayaa ka hadlay xarigga wasiirka Amniga Jubaland, xayiraadda diyaaradaha Kismaayo, iyo doorashada 2020ka.

Waxaa uu Axmed Madoobe sheegay in dowladda Federaalka ah cunaqabateyneyso maamulkiisa hayeeshee ay taasi waxba ka dhibeynin.

Dhinaca Socdaalka ayuu sheegay in isaga halka uu doono uu tagi karo isaga oo aan oggolaansho uga baahneyn dowladda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in hay’adda socdaalka ee heerka federaal ah aysan aqoonsaneyn xafiiskeeda Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ku beer laxowsaday xilligii uu dagaalka kula jiray AL-shabaab oo uu sheegay in Madaxda hadda ka talisa Villa Soomaaliya ay Kafee ku cabayeen qurbaha.

Waxaa uu sheegay in dul qaadka uu ka dhamaaday maamulkiisa islamarkaana dowladda dhexe haddaanay isbeddel la iman uu bixin doono jawaab ka culus midda uu maanta jeediyay.

Axmed Madoobe ayaa maanta warbaabinta ka hadlay 21 maalmood kaddib doorashadiisii ay diidday dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia 

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.