Dagmada Balad Xaawo oo lagu dilay mas’uuliyiin katirsan dowladda

Sadex ruux oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta la shaqeeya maamulka degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa xalay Kooxo hubeysan waxaa ay ku dileen Magaaladaasi sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada.

Dadka la dilay ayaa kala ahaa Cabdi Cali Kaynaan oo qaabilsanaa waaxda maaliyadda degmada, Xuseen Shariif Cabdille oo ahaa Gudoomiye Waaxeed iyo Xabiibo Cabdiraxman Cali (Xaybo Ladan) oo ka mid aheyd Ururka Haweenka maamulka Jubbaland.

Ciidanka Ammaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta howlgallo ka wadda degmada Beledxaawo, waxaana Mas’uuliyiinta dilka dadkaasi sheegtay Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayay wel wel badan ku abuurtay dhacdadaan.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmai.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *