Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay Safiirka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Maanta waxaa uu kulan kula qaatay safaarada Turkiga Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz.

Taliyaha Iyo safiirka ayaa kawada hadlay xiriirka Booliiska Soomaaliya iyo kan Turkiga iyo Mashaariic kala duwan oo DTurkiga uu ka taageeri doono Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  iyo qodobo kale.

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ayaa u mahad celiyey Safaarada iyo Booliiska Turkiga sida ay markasta u garab taagan yihiin Ciidanka Qalabka Sida iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.