Dowladda oo hormar ka gaartay dadaalada ay ugu jirto deynta IMF ku leedahay Soomaaliya

Hay’adda lacagta Aduunka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in mas,uuliyiinta dowlada ay isla garteen sidii loo soo afmeeri lahaa wareega koowaad farqadiisa afaraad ee wadahadalka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Arintaan ayaa sidoo kae lagu sheegay in ay tahay talaabo dhanka hormarka ee Soomaaliya ka gaartay wadahadalka deynta looga Cafinayo.

Mas,uuliyiinta hey,ada lacagta Aduunka u qaabilsan wadahadalka oo ay hogaamineyso Allison Holland ayaa caasimada Itoobiya ee Addis Ababa kulan kula qaadatay 10-kii ilaa 13-kii bishan Semtember, sida lagu sheegay bayaanka IMF.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowlada ay sanadihii la soo dhaafay dadaal ugu jirtay sare u qaadida dhaqaalaha ka hortaga lacagta madow ee aan sharciga aheyn iyo maalgalinta kooxaha Argagixisada ee ku sugan Dalka.

IMF ayaa dhanka mas,uuliyiinta soomaaliya ku amaantay dadaalka ay u galeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.