Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si caro leh kaga hadlay xayiradii la saaray madaxweyne Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay Xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay garoonka Magaalada Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay Sababay dhibaatooyin bulshada gaaray.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in Musiibo weyn ay tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya hub ahaan ay u adeegsanayso maamulka Hawada Soomaaliya, islamarkaana dad Shacab ah la cunaqabateeyay.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda, islamarkaana hada si qaldan loo isticmaalaayo.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Warka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid ka dib markii maanta Garoonka Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xoojisay xayiraada saaran Garoonka Kismaayo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.