Puntland oo si kulul kaga hadashay xayiradii maanta DF ay saartay socdaalkii Sh.Shariif ee Kismaayo

Dowlad goboleedka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay oo ka hadlay xayiraad maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno la socday loo diiday diyaarad ay ku safrayeen inay u duusho magaalada Kismaayo.

Qoraal ka soo baxay Maamul Goboledka Puntland ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid ka soo horjeeda dastuurka dalka Soomaaliya.

“Falkan waxa uu ka soo horjeedaa Dastuurka Soomaaliyeed gaar ahaan qodobka 21aad,farqadihiisa 1aad iyo 2aad ku saabsan xoriyada isu socodka muwaadinka.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay falka lagula kacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif mid dib u dhac ku keenaya hanaanka geedi socodka siyaasada iyo horumarka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso warka ka soo baxay Maamulka Puntland:

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.