Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada New York

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir sanadeedka Golaha Guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago dalkaas, isagoo Madaxweyne ah, waxaana bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo iska wareejiyay baasaboorkii dalka Mareykanka oo uu ka tanaasulay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *