Dowladda Federalka oo Muqdisho ku xanibtay xubno kale oo katirsan Jubbaland

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Howl-wadeenada Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad goboleedka Jubbaland uu saameeyay Go’aankii kasoo baxay Dowladda ee lagu joojiyay duulimaadyadii tegi jiray Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Aadan Ibraahiim Aw Xirsi ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Wasaaradiisa ay Maalintii labaad ku kal xayiran yihiin Muqdisho iyo Kismaayo,kuwaas oo doonayay inay howlo Shaqo qaarkood u soo aadan Muqdisho qaarna uga baxaan oo ay dib ugu laabtaan Kismaayo.

“Dhawr hawl-wadeen oo u shaqeeya Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar ayuu yiri”Wasiir Aw Xirs.

Go’aankii xayiraada ahaa oo ay Xukuumadda Soomaaliya saartay duulimaadyadii aadi jiray Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu saameen ku yeeshay dad badan oo ay mas’uuliyiin ku jiraan,kuwaas oo haatan kala jooga Muqdisho iyo Kismaayo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *