Farmaajo iyo madax kale oo Afrikaan ah oo helay Bilad isku wada mid ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa waxaa la guddoonsiiyay billado hoggaan wanaag ah.

Saddexda mas’uul ayaa ka qeybgalay shirka Concodia Summit oo ka dhacay maagaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Saddexda hoggaamiye ee geeska Afrika ayaa abaalgudkan ku muteystay dib u habeynta iyo isdhexgalka bulshada Bariga Afrika ee ay ku dhaqaaqeen.

Hoggaanka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa tan iyo 2018kii waxaa ay wadeen isbeddello waaweyn oo dhinaca dhaaqaalaha, siyaasadda, isdhexgalka Bulshada, Amaanka iyo diblomaasiyadda ah.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa qeyb ahaan horseedka ahaa isbeddeladaas kala duwan waxaana ay billowdeen markii uu la yimid siyaasad furfuran isaga oo xilligaas loo magacaabay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *