Kenya oo sheegtay iney sii kordhineyso Qaadka ay Soomaaliya u soo daabusho

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Dalka Kenya ee AFA ayaa waxaa ay sheegtay in ay dooneyso in la kordhiyo suuqyada Qaadka dalka Kenya islamarkaana la gaarsiiyo meelo hor leh.

Guddi ka socda Hay’addaas ayaa maanta oo Talaado ah la kulmi doona Guddiga Beeraleyda Qaadka dhoofsata waxaana ay kala hadlayaan sidii looga caawin lahaa suuqyo cusub iyo xoojinta kuwa hadda jira.

90% Qaadka ka soo baxa Kenya waxaa loo soo dhoofiyaa Soomaaliya waxaana maalintii lagu sheegay 50Tan oo Jaad ah.

Xog ay baahisay hay’adda xisaabaadka guud ee Kenya ayaa ku sheegtay in Qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo dowladda Kenya ka heshay lacag dhan $150Milyan oo doollarka Mareykanka ah sanadkii la soo dhaafay.

Wargeyska Business Daily lagu magacaabo ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay in suuqyada kale ee ay Kenya heysto qaataan 4tan oo kali ah Todobaadkii oo dhan halka Soomaaliya ay maalinkiiba qaadato 50 Tan oo Qaad ah.

Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Peter Munya, ayaa sheegay in wasaaraddiisu qorshaha qaranka ku dartay miisaaniyadda dowladda ka hesho qaadka dhoofkiisana kala shaqeyneyso ganacsatada.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *