Axmad Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig oo dib u dhigay caleemo saarkooda

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay xarunta Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo lagu waday in beri ka dhacdo Kismaayo.

Madaxtooyada Jubbaland qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay munaasabada caleemo saarka ay tahay kadib markii dowlada federaalka ay is hortaagtay in Kismaayo gaaraan wafuudii munaasabada lagu casuumay.

Jubbaland ma shaacin xiliga la qaban doono munaasabada caleemo saarka oo qaban qaabadii maalmihii lasoo dhaafay ka socotay Kismaayo, waxa ayna arintan niyad jab ku tahay maamulka Axmed Madoobe oo xiligan wajaha culees siyaasadeed.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Madaxweynaha kale ee Jubbaland Cabdirashiid Xidig ayaa waxa uu ku sheegay in dib loo dhigay caleemo saarkiisa hakan hoose ka akhriso qoraal uu soo saaray.

Dhamaan umada soomaaliyeed gaar ‘ahaan ree Jubaland, Bacdul Salaan Waxaa sharaf noo ah inaan idinla socodsiino In dib loo dhigay xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubaland Mudane Abdirashid Mohamed Xidig oo lagu waday inay Caawa ka dhacdo xarunta isbedel doonka Jubaland ee kismayo:

kadib kulan ay isugu yimaadeen Gudiga qabanqaabada caleemo Saarka iyo Xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu xaqiijiyay in codsiyo badan ay uga yimaadeen qaar kamida Bulshada Jubaland, Odoyaasha dhaqanka, Dowlada Federaalka,Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiin Muhiim u ahaa caleemo saarka oo ay u suurageli wayday inay kismayo yimaadaan:

Xiliga caleemo saarka ayaa laydinla soo Soocodsiin doonaa kadib wada tashiga dadka mudan inshaalaah:

www.somalitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *