Faah-Faahin: Askar qarax miino lagula eegtay magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay Xaafada Taleex degmada Hodan ee gobolkan Banaadir,qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Miino la dhigay wadada dhinaceeda,isla markaana warar horudhac ah ay sheegayaan in lala eegtay Gaari ay la socdeen Saraakiil Ciidan xilli uu marayay Dalcada Taleex ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Saddex Askari oo saarnaa Gaariga qaraxa lagu weeraray halka laba qof oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah dhankooda kama bixin qaraxaas,waxaana sidoo kale weli sirasmi ah aan loo ogaan saraakiisha saarneyd gaariga qaraxa miino lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Hodan ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo mudo kooban xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Dalcada Taleex wallow markii dambe ay dib u fureen.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *