Faah-faahin: Qarax lala eegtay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida

Qarax lala beegsaday Gaariga Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Col Xasan Cali Nuur waxaa ka soo baxaya warar dheeri ah.

Qaraxa ayaa la sheegay inay waxyeello kasoo gaartay Gaariga uu la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Col.. Shuute oo kasoo laabtay degaanka Ceelsaniini ee Gobolka Sh/hoose oo dhowaan ay weerarreen Alshabaab, waxayna wararku sheegayaan inuu qaraxa ka badbaaday Col. Xasan Cali Nuur Shuute.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda, Col Xasan Cali Nuur ayaa la sheegay inay wehliyeen Saraakiil kale, wuxuuna qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Askar ka mida ilaalada Col. Shuute ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana qasaare kasoo gaaray Gaariga uu la socday, iyadoo arintaasi ay ahayd isku day lagu doonayey in lagu khaarijiyo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *